4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 7 , 2023
Raysal wasaare Xamse "Wali baaritaan ayaa ku socda Saraakiisha iyo Askarta loo xiray weerarkii Hotel Villa Rays"

Sabti, January, 7, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii Al-shabaab ka geysatay hotelka Villa Rays oo ku yaala nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya.

Raysal wasaaraha oo wareysi gaar ah siiyay Telefashinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xiray askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay haatan ku socdaan baaritaano dhab ah oo la xariira tuhuno ka dhashay ku lug lahaasha weerarkii hotel Villa Rays ee dhacay 28-kii bishii Novembar ee sanadkii dhamaaday 2022.

“Ciidamadii shaqada ku jiray oo dhan way xiran yihiin baaris ayaa ku socota, waxa aan ku celinay in baaritaan dhab ah laga gaaro, shaki kuma jira in ay shaqeeyaan ciidamada amaanka dowladda, Magaalada Muqdisho waxaan u baahanahay inaan go’aan ku gaarno in aysan nagula dhex noolaan nimankaas, maalinba taagba taag ayaan u toosineynaa” ayuu yiro Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Raysal wasaaraha Soomaaliya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka iyo guulaha la taaban karo ay Xukuumaddiisa ka gaartay mudada uu joogo xafiiska, isagoona shaaciyay in meelaha qaar ee laga xureeyay Shabaab ay gaarsiiyeen adeegyada dowladda inta dhimana ay ku howlan yihiin.

“Meelaha aan u bixiyay dib u dejinta ee adeegyada Dowladda aan gaarsiineyno waxa aan u dejiyay qorshe lagu gaarsiinayo Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Garsoorka iyo Adeegyo kala duwan, Aadan Yabaal oo ah Degmo weyn waxaa geynay ciidamo Booliis ah, waxaa socda diyaarinta ciidanka Nabadsugidda, sidaas oo kale deegaannada kale waan geyn doonnaa ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda” ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.