4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 6 , 2023
Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay weerarkii Alshabaab ku qaadeen deegaanka Hilowle Gaab
 

Jimco, January, 6, 2023 (HOL) - Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inay kooxda Alshabaab xilli dambe oo xalay ahayd weerar ku billowday qaraxyo ay kusoo qaadeen deegaanka Hilowle gaab oo ah xadka kala qeybiya gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab halkaas lagula galay oo socday in ka badan saddex saacadood jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalamayaashii weerarka soo qaaday.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle wuxuu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ay firxadka Alshabaab ku baacsanayaan howdka Galgaduud.

Wuxuu sheegay inay dagaalka ku geeriyoodeen saraakiil ciidan oo ay kamid ahaayeen, taliye Xasan Cali Indhoole, Cabduqaadir Maxamuud Maxamed Teesto, Ciise Qooley iyo Axmed Nuur Shiine iyo qaar kaloo dhaawacmay.

Hadalka Afhayeenka Hirshabeelle ayaa yimid, xilli saakay Alshabaab ay sheegeen inay la wareegeen deegaanka Hilowle Gaab, iyagoo sheegay inay cagta mariyeen saldhig ciidan ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.