4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 6 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo gurmad ah u dirtay gobolka Galgaduud

Jimco, January, 6, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ciidamo gurmad ah u dirtay howlgallada dib u xoraynta ee ka socda gobolka gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho, ayaa ku wajahan deegaannada kuyaala bariga gobolka Galgaduud si ay u gurmad ugu noqdaan ciidamada xoreeyay qeybo kamid ah Galgaduud.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamadan ayaa sheegay in bariga gobolka Galgaduud oo ah meelaha Alshabaabku ku xooggan yihiin la xorayndoono dhawaan, ciidamada baxayna ay qeyb ka yahiin howlgalka dib u xoraynta gobolka Galgaduud.

Inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyay dowladdu guulo ka gaaraysay dagaalka Alshabaab, haddana maalmihii ugu dambeeyay hakad ayaa ku yimid, taasoo sababtay inay Alshabaab weeraro abaabulaan.

Saakay oo jimce ahna Alshabaab waxay weerar culus ku qaadeen tuulada Hilowle Gaab oo katirsan degmada Runirgood ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Alshabaab waxay sheegeen inay la wareegeen halkaas kaddib markii ay ku qaadeen weerar culus.