4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 4 , 2023
Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, January, 4, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay halkaasi ay ka dhaceen laba qarax oo Ismiidaamin ah oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimaasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Qaraxyadaan ayaa la sheegay in ahayeen kuwa loo adeegsaday laba baabuur oo noocoodu yahiin Saruf, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in labadaasi qarax ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 15 ruux dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in lala eegtay Guri Maxaas muddooyinkii dambe ay ka deganayeen masuuliyiinta dowladda ee hormuudka ka ahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, hayeeshee xiliga qaraxa uu dhacay waxaa la sheegay iney ku sugnayeen guriga Askar kaliya.

Labada Gaari ee lagu fuliyay qaraxyadaan Ismiidaaminta ah ayaa la tilmaamay iney degmada Maxaas kasoo galeen dhanka deegaanka Wabxo oo mudo ka hor ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka iney Al-shabaab kala wareegeen, hadana dib uga soo laabteen.

Wararkii ugu dambeeyay ee Shabakada HOL kasoo gaaraya Maxaas ayaa sheegaya in dadka dhintay qaraxyadan ay u badan yihiin hal qoys oo ka koobnaa 11 ruux oo uu ka badbaaday 1 qof kaliya.

Majirto war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amaanka maamulka degmada Maxaas oo ku aadan khasaaraha raamiga ah ee ka dhashay qaraxyadaan saakay ruxay guud ahaan xaafadaha magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.