4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 3 , 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta magacaabay Guddi Doorasho oo Kumeel gaar ah

Talaado, January, 3, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta magacaabay Guddiga Kumeel Gaarka ee Doorashooyinka kuraasta ka banaanaatay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

"Mudane Xamse ayaa markuu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Markuu sidoo kale arkay Wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban 9-ka xubnood, kuwaas oo maamuli doona doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Magacaabista Guddigaan ayaa imaanyesa, iyadoo Maanta uu Raysal Wasaaraha xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddigan cusub oo uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto.

Xubnaha guddiga ee la magacaabay ayaa kala ah:-

1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
3. Cabdi Hiis Udan
4. Cabdishakuur Abiib Hayir
5. Cabdullaahi Cabdi Aden
6. Mowliid Mataan Salaad
7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed.