4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 3 , 2023
Dowladda Fedraalka Soomaaliya oo shaacisay caqabado ka hor taagan inay sameyso lacag shillin Soomaali ah

Talaado, January, 3, 2023 (HOL) - Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur, ayaa soo bandhigay caqabadaha hortaagan in Soomaaliya ay sameysato lacag Shilin Soomaali ah oo dalku leeyahay.

Wasiirka maaliyadda oo wareysi siinayay VOA, ayaa sheegay inay lacag sameyntu hortaagan tahay saddex caqabadood oo u baahan in xal laga gaaro, si uu dalku u helo lacag uu isagu leeyahay.

Wasiirka wuxuu sheegay caqabada koowaad inay tahay, helitaanka dhaqaalihii looga shaqeyn lahaa daabicida lacag cusub. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay $70 millyan oo dollar, inkastoo uu xusay in $40 milyan oo lacagtaas kamid ah ay dowladda ka caawinayso hay’adda lacagta ee IMF.

Caqabada labaad wuxuu sheegay wasiirku inay tahay, in farsamo ahaan dowladdu aysan u diyaarsanayn agabkii loo baahnaa iyo aqoontii lagu maamuli lahaa lacagta cusub.

Caqabada saddexaad wuxuu sheegay inay tahay, sidii lacagtaas dalkoo dhan loogu faafin lahaa, taasoo uu sheegay inay u baahan tahay in heshiis siyaasadeed ay ka galaan dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Inkastoo uu wasiirku caqabadahaas sheegay, haddana wuxuu tilmaamay marxaladda hadda la joogo inay tahay middii ugu wanaagsanayd ee horey loogu dhaqaajin lahaa lacag samaynta.

Marka loo eego dhaqaalihii lagu samayn lahaa lacagta cusub oo qeybta ugu badan la hayo iyo aqoontii bangiga Soomaaliya oo kor usoo kacday.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxaa weli gobolada dalka qeybtood laga isicmaalaa lacagtii dowladdii dhexe ee dalka, taasoo haatan gabaabsi kusii dhow, islamarkaana meelo badan oo dalka katirsan lagama isticmaalo wax lacag ah.

Waxaa lagu tiirsan yahay adeegyada lacagaha danabaysan ee shirkadaha isgaarsiintu bixiyaan.