4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 136 katirsan Shabaab lagu dilay howlgal ka socda gobolka Shabeellada hoose
 

Axad, January, 29, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 136 kamid ah dagaalamayaasha Alshabaab lagu dilay howlgal ciidan oo haatan ka socda deegaano katirsan Shabeeladda hoose.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Alcaddaala oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay howlgalku inuu ka dhacay degaan lagu magacaabo Warta, taasoo 12km u jirta degmada Janaale.

Wasiir Alcaddaala wuxuu sheegay in howlgalkan lagu bartilmaameesaday dhowr boqol oo katirsan AlShabaab, kuwaas oo uu sheegay in loo diyaarinayay inay weerraro geystaan, wuxuuna sheegay inay ciidamadu howlgalkani jab ku gaarsiiyeen Alshabaab.

Alcaddaala wuxuu sheegay dadka howlgalka lagu dilay inay kamid ahaayeen horjoogayaal Shabaab ah oo la daba socday, kuwaas oo lagu kala magacaabo Salmaan Dheere oo Shabaab u qaabilsanaa howlgallada xeebaha, Macalin Sallaxey oo Shabaab u qaabilsanaa howlgallada Bariire, Janaale, Qoryooley iyo Bariire, iyo Macalin Xaashi oo ahaa horjoogaha jabhadaha Shabeellada hoose.

Wasiir ku xigeenka warfaafintu wuxuu sheegay in howlgalka lagu dhaawacay 98 dagaalame oo katirsan kooxda Alshabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalka lagu burburiyay gaadiid dagaal, saanad ciidan iyo godad Shabaabku lahaayeen.