4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 27, 2023
Al-shabaab oo dad shacab ah ka afduubatay deegaano hoostaga magaalada Baledweyne
 

Jimco, January, 27, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanada Camaloow, Helabacaad iyo Sugoow oo ka mid ah ah deegaanada hoostaga magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iney dad shacab ah ka afduubteen deegaanadaasi.

Dadka shacabka ah ee kooxda ay ka qafaalatay deegaanadaasi oo aan tiradooda la xaqiijin, hayeeshe wararka hordhaca ay sheegayaan in gaarayaan 10 ruux ayaa isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato, kuwaas oo la afduubtay xili ay ku sugnayeen guryahooda.

Kooxda afduubatay dadkaan shacabka ah ayaa la tilmaamay iney kasoo gudbeen wabiga Shabeelle, islamarkaana waxay dadkaan ay wateen ka gudbiyeen halka markii hore ay kasoo gudbeen oo ah dhanka Galbeed, maadama uu wabiga kala qeybiyo Bariga iyo Galbeed Hiiraan.

Dadkaan Al-shabaab ay ka wateen guryahoodii ku yaalay deegaanada Camaloow, Helabacaad iyo Sugoow ayaa ah dhamaantood kuwa kasoo jeeda Beesha Xawaadle oo Shabaab mudooyinkii dambe ay beegsi gaar ah ku haysay, iyagoo doonaya in beeshaasi ay ka baxdo dagaalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda Hiiraan.

Wixii ka dambeeyay markii uu howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab uu ka bilaawday gobolka Hiiraan, kaasoo beesha Xawaadle hormuudka ay ka aheyd ayaa kooxda Shabaab waxay kordhisay beegsiga ay ku hayso dadka kasoo jeeda beesha Xawaadle.