4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 27, 2023
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay dilka Hoggaamiyahii Daacish ee Soomaaliya
 

Jimco, January, 27, 2023 (HOL) - Iyadoo dowladda Maraykanka ay shaacisay in howlgal ka dhacay buuraha Cal miskaan ee ku yaala Puntland iney ku dishay hoggaamiyahii kooxda Daacish ee Soomaaliya iyo 10 kale oo ka mid ah dagaalamayaasha kooxdaas ayaa waxaa talaabadasi soo dhaweeyay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Lataliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud oo la hadlay Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka soo dhaweeyneyso howlgalkaas lagu dilay hoggaamiyaha kooxda Daacish iyo xubnaha kale.

"Wax faahfaahin badan ah lagama hayo balse ka dowladda Soomaaliyeed waa arrin ay aad usoo dhaweyneyso in kooxaha Argagixisada ah gaar ahaan hoggaankooda madaxa laga guro,  dhalinyarada ayay dabka ku shidaan,  Dabcan Daacish soomaaliya awood ahan kuma xoog badna Laakiin waa koox marweliba khatartooda soo weynaan kartayā€¯ ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin Maxamuud Sheekh Cali.

Dhulka Buuraleyda Puntland ayaa la tilmaama iney ku sugan yihiin hoggaamiyeyaal sar sare oo ka tirsan Kooxda Daacish oo halkaasi ay u tahay Saldhigooda ugu weyn oo ay ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya.