4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Tiro Madaafiic ah oo Caawa lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Baledweyne
 Xuquuqda Sawirka\Maslax maxamed

Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Ilaa afar hoobiye ayaa Caawa lagu garaacay xaafado ka mid magaalada Baledweyne, kuwaas oo jugtooda laga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sadax ka mid ah afarta hoobiye ayaa la sheegay iney ku dhaceen Xaafada Xaawa taako gaar ahaan laanta Nuur xawaad, halka hoobiyaha afaraadna uu ku dhacay Xaafada Buundaweyn agagaarka Xabsiga dhexe ee magaalada Baledweyne.

Ilaa hadda lama sheegin khasaaro ay geysteen madaafiicda Caawa ku dhacday qeybo ka mid Xaafadaha Baledweyne, waxaana afarta hoobiye ay ahaayeen kuwa is xigxigay oo dhacay xili lagu jiray Salaadii Cishaha.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka degmada Baledweyne oo ku aadan madaafiicda Caawa ku dhacday qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada Baledweyne.