4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Masuul Soomaali ah oo loo magacaabay mid kamid ah xilalka u sarreeya ee dowladda Itoobiya
 

Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) - Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Ciid Daahir oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida loo magacaabay Madaxa Hay'adda Maalgashiga ee dalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Iid Daahir ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumadda degaanka Soomaalida, isagoo markii u dambeeyay ku xigeen ka ahaa Xafiiska maanta looga dhigay Madaxa, horey waxaa Xafiiskan Masuul ka ahaa Maamo Hibrat oo dhawaan Abiyi Axmed u magacaabay Madaxa Bangiga Qaranka ee Itoobiya.

Magacaabistan ayaa kusoo hagaagaysa xilli Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed uu horey u sheegay inuu isbaddal ku samayn doono qaar kamid ah hoggaaminta xukuumaddiisa.

Masuulkan maanta xilka loo magacaabay ee Cabdiraxmaan Iid Daahir ayaa kamid noqonaya dhowr masuul oo kasoo jeeda dowlad degaanka Soomaalida kuwaas oo haya qaar kamid ah xilalka u sarreeya ee dowladda Itoobiya.

Cabdiraxmaan Ciid Daahir ayaa ah wiil uu dhalay Ciid Daahir oo kamid ahaa Madaxweynayaashii horey u soo maray xilka Madaxweynimo ee dowlad degaanka Soomaalida.