4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 25, 2023
Xukuumada, mucaaradka iyo madax dhaqameedka Somaliland oo si isku mid ah uga hadlay arrinta Laascaanood
 

Arbaco, January, 25, 2023 (HOL) -  Xukuumada,  madaxda mucaaradka, qaar kamid ah madaxda dhaqanka iyo saraakiil kale oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in xal wax ku oola laga gaadho arrinta Laascaanood.

Wasiirka Waraada Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa sheegay in xukuumadu ay rabto in ay gogosha xal u helista arrinta Laascaanood  balaadhiso, isla markaana talo loo dhanyahay xalka lagu galo.

"Xukuumadu markii horena iskuma koobin imikana iskuma koobayso, waxay ila tahay in gogosheedu ay balaadhantahay, oo la balaadhiyo oo talo qaran laga yeesho, xisbiyada mucaaradka ahna kaalin baa uga furan in ay kasoo qaybqaataan talada" ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo jeediyay in talo midaysan laga yeesho xaalada Laascaanood, isagoo madax dhaqameedka usoo jeediyay in ay Laascaanood tagaan.

"Madaxda dhaqanka waxaan usoo jeedinayaa in ay baaq midaysan, oo urursan oo midaysan Laascaanood ay la tagaan, oo ay kaga qayb qaataan qadiyada iyo dajinteeda" ayuu yidhi Xirsi.

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in mucaaradku ay diyaar u yihiin in ay qaybtooda ka qaataan xal u helista xaalada Laascaanood, waxaanu madaxweynaha ku eedeeyay in uu wali doorkiisii maqanyahay.

"Hore ayaanu u sheegnay in aanu diyaar u nahay in aanu qayb ka noqono, qaranimadana is garab taagno, lakiin arrintaasi xal ayay u baahantahay kama danbaystii, waxanan isleeyahay wali waxa maqan kaalintii madaxweynaha" ayuu yidhi Cirro.

Mudaharaado Laascaanood ka qarxay dhamaadkii bishii hore, ayaa isku badalay doonis ay shacabka magaalada iyo cuqaasha deegaanadaasi ay ku doonayaan in ay ku yagleelaan maamul Somaliland ka madaxbannaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]