4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 24, 2023
Khasaare ka dhashay Hoobiyayaal lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho
 

Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala duwan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa  lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah hoobiyayaasha ayaa ku dhacay agagaarka hotel SYL, wasaaradda wafaafinta iyo Ex-fiyoore oo ah xayndaabka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay.

Mid ka mid ah madaafiicda lagusoo tuuray dhanka madaxtooyada, ayaa waxa uu ku dhacday dugsi hoose oo ku dhow xarunta degmada Xamar Weyne.

Madfacaas ayaa waxaa ku dhaawacmay labo arday iyo haweeney macmacaan ku iibineysay waddada dhinaceeda.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda, hase yeeshee weerarada noocaan oo kale ah ee ka dhaca caasimadda ayaa inta badan waxaa sheegta kooxda Al-Shabaab.

Hay’adaha amnigu weli kama hadlin dhacdadaan oo kusoo beegantay labo maalin kadib weerarkii lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.