4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 24, 2023
Booliiska gobolka Banaadir oo qabtay eedeysanayaal falal dil iyo dhaawac ah kasoo geystay Garowe

Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho.

Kooxdaan oo ka kooban seddex rag ah ayaa ku eedeysan in Magaalada Garowe kusoo dileen Muwaadin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani, sidookale kusoo dhaawaceen Muwaadin Hanad Xasan Cawil.

Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir oo horay luugu soo gudbiyay xogta eedeey-sanyaasha ayaa labo kamid ah xalay ka qabtay guri ku yaala degmada Shibis, halka midka kale laga qabtay  Xamar-Jajajb.

War-saxaafadeed kasoo abxay taliska booliiska gobolka Banaadir, ayaa lagu sheegay in eedeeysanyaashan la hor gayndoono Maxkamadaha dalka.