4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 24, 2023
Dowladda Kenya oo sheegtay inay ciidamadeedu dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab
 

Talaado, January, 24, 2023 (HOL) - Ciidamada ammaanka Kenya ayaa dilay ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib iska horimaad culus oo ay kooxda kula galeen deegaan ku dhow soohdinta uu la wadaago Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliska Kenya ayaa lagu sheegay in hay’adaha amnigu ay weerar ku qaadeen xero Al-Shabaab ay ku leeyihiin Sedahgose oo ka tirsan degmada Gaarisa.

Xerada ayaa waxaa ku sugnaa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay inay gacanta ku dhigeen hal dagaalame oo nool.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay ciidamada ayaa sidoo kale qabsaday walxaha qarxa, qori PKM ah iyo 1 AK47 ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii dowladda Kenya ay boqolaal askar ah geysay si ay u xoojiyaan ammaanka magaalooyinka iyo tuulooyinka ku dhow xadka ay la wadaagto Soomaaliya.