4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 23, 2023
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay imaanshiyaha Garaad Jaamac ee Laascaanood
 

Isniin, January, 23, 2023 (HOL) -  Xukuumada Somaliland ayaa imaanshiyaha Garaad Jaamac Garaad Cali 15 sanno kadib ku yimid Laascaanood ku tilmaantay nin gurigiisii yimid.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), oo Sahan TV wax ka waydiiyay socdaalka garaadka, ayaa ku tilmaamay in uu garaadku yahay nin gurigiisii yimid, taasina ay caadi tahay.

"Jaamac Garaad Cali waa garaad reer Laascaanood ah, oo garaad guun ah oo taariikh dheer leh, waana Jamhuuriyada Somaliland garaadadeeda ugu waa wayn ayuu kamid yahay, markaa haduu Laascaanood soo gaadhay waa nin magaaladiisii yimid, hadii lasoo dhaweeyayna dadkiisii ayaa soo dhaweeyay" ayuu yidhi Cali Mareexaan.

Cali Mareexaan ayaa garaadka iyo garaadada kale ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada isla markaana meel looga soo wada jeesto cidkasta oo nabadgalyo daro abuuraysa.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sanno kadib maanta Laascaanood soo gaadhay, ayaa soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacabka Laascaanood iyo tuulooyinka ku dhow dhow, garaadka ayaa aad uga soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland.

Garaadada kusoo qulqulaya Laascaanood ayaa badankoodu aaminsan in la sameeyo maamul hoostaga dowlada Soomaaliya, oo xaruntiisu tahay Laascaanood.

Maamulka Khaatumo ee garaadadu ay ku taamayaan ayaa dhowr jeer oo hore suuragaliwaayay, madaama Somaliland iyo Puntland labadooda midna anay ogolayn, hadaba waxa laga war sugayaa waxa kasoo baxa shirka odayaasha dhaqanku dhawaan ku yeelanayaan Laascaaanood.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]