4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2023
Dad ka barakacay qalalaasaha Magaalada Laascaanood
 

Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa ka qaxay qalalaasaha maalmihii ugu danbeeyay magaalada ka socday.

Sida BBC Somali sheegtay dad aan tirradooda la sheegin ayaa ka baxay magaalada Laascaanood, kadib mudaharaadadii iyo isku dhacyadii ciidamada iyo shacabka ee halka ka socday maalmihii lasoo dhaafay.

Mid kamid ah dadka magaalada ka qaxay oo BBC Somali, waraysi siiyay ayaa sheegay in ay u qaxeen goob tuulo ah, isla markaana anay haysan bustayaal iyo dhar ay dhaxanta jilaalka ka xidhaan.

"Laascaanood ayaanu ka soo qaxnay, waxaanu kusoo qaxnay meel la yidhaa Dabaylwayn oo tuulo ah, xabado ayaa magaalada lala dhacay, madfacyo ayaa la dul mariyay, dadku sidaasay ku qaxeen oo waa la wada baqdin galiyay".

Waxa uu sheegay in ay shalay magaalada kasoo qaxeen isla markaana dadku ay iskugu jiraan qaar doonaya in ay dib u noqdaan, iyo qaar kale oo rajaynaya in ay sii joogaan, waxa uu intaa ku daray in meesha ay ku qaxeen ay tahay goob dhaxan badan, isla markaana anay bustayaal haysan.

Magaalada Laascaanood ayaa maanta dagan kadib maalmo ay ka socdeen mudaharaado rabshado wata oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shicib ah iyo askar.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]