4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2023
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Guddiga Doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed
 

Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumaadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga doorashooyinka xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha arrimo la xariira doorashada gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo la filayo in dhawaan la qabto iyo waliba sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay kooxda Al-shabaab.

Wuxuu sidoo kale xusay Raysal wasaaraha Soomaaliya in Guddiga doorashooyinka xiriirka kubadda cagta looga fadhiyo iney qabtaan doorasho caddaalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka, islamarkaana guddiga ay ka foojignaadaan in dhinac gaar ah ay la saftaan, wuxuuna ka digay inaan la aqbali karin is barbar yaac.

Raysal wasaaraha Xamse ayaa sidoo kale tilmaamay inaan loo baahneyn in dhalinyarada lagu niyad jabiyo is qabqabsi dhexdooda ah, isagoona sheegay in Wasaaradda iyo Xiriirka laga doonayo inay abaabulaan cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay Ururka Al-shabaab, islamarkaana dhallinyarada loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan.

Kulaankaan ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe ay soo if baxayeen khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay guddiga doorashada xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Musharaxiinta guddoomiyaha, khilaafkaas oo salka ku haayay habsami u socodka doorashada.