4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ugu baaqay Koonfur Galbeed iyo shacabkooda inay iyagu xalliyaan mushkiladahooda
 

Talaado, January, 17, 2023 (HOL) - Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed, isagoo ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur-galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, wuxuuna maamulka Koonfur Galbeed, mucaaradka, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah ugu baaqay in ay mushkiladahooda dhexdooda xallistaan.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.

“Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Alshabaab. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed," ayuu yiri madaxweynuhu.

Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada ku jirta fikirka Alshabaab in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisadu.