4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2023
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Xawaadleey
 

Talaado, January, 17, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar khasaare geystay oo saakay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka oo aha mid kooxda Al-shabaab ay ku qaaday Saldhiga deegaanka Xawaadleey ayaa ku bilaawday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay, islamarkaana uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Shabaab.

Jenaraal Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay khasaare gaarsiiyeen dagaalamayaashii Shabaab ee weerarka kusoo qaaday  Saldhiga ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Xawaadleey, isagoona sheegay in kooxda shabaab ee weerarka soo qaaday iney ka dileen 21 xubnood, islamarkaana dhankooda ay kaga dhinteen 5 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

"Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jabiyay maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ee soo weeraray Saldhigga ciidamada deegaanka Xawaadleey, waxaana halkaas ciidamada kaga shahiiday 5 Askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Ciidamada ayaa wali sii baacsanaya firxadka Khawaarijta Al-shabaab ee saakay soo weeraray deegaanka Xawaadleey" ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf.

Mudo sadax todobaad gudahood kooxda Al-shabaab waxay fulisay 9 qarax oo dhamaantood ahaa kuwa Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuwaas oo ka kala dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Maxaas iyo Jalalaqsi waxaa ka dhacay min laba qarax ah Buulaburte iyo Halgan waxaa ka dhacay min hal qarax, halka deegaanka Xawaadleey oo saakay u dambeysay ay ka dhaceen sadax qarax, waxana dhamaantood ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.