4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2023
Madaxweyne Deni oo bogaadiyay howlgallada Shabaab looga sifaynayo Galmudug

Talaado, January, 17, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntand Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn u bogaadiyay howlgallada dib u xoraynta ee ka socda Galmudug, kuwaas oo lagu xoreeyay magaalada Xarardheere iyo deegaano kale oo dhaca gobolada dhexe.

Madaxweyne Deni oo la hadlay warbaahinta ayaa bogaadin u jeediyay ciidamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku guulaystay inay Alshabaab ka sifeeyaan gobola dhexe ee dalka.

“ Haddaanan Alshabaab laga xoraynin meelaha ay haystaan, waxay caqabad ku tahay dowlad dhiska Soomaaliya. Waxaan rajeynaynaa meelaha ay ku hareena in meel loogasoo wada heesto oo jabtarkaas lasoo xiro,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deni kama hadlin in ciidamada Puntland ay qeyb ka yihiin dib u xoraynta Galmudug, inkastoo baraha bulshada ay kasoo muuqanayeen ciidanka PSF oo ku sugan magaalada Xarardheere.