4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2023
Ku dhawaad 30 ruux oo ku geeriyootay Qaraxyadii Maanta ka dhacay degmooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi
 

Sabti, January, 14, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay sadax qarax oo Ismiidaamin ahaa oo ka kala dhacay degmooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa ka dhacay degmada Buulaburte oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo noociisa lagu sheegay Leyla Calaawi ayaa ka dhacay inta u dhaxeyaa xarunta maamulka degmada Buulaburte iyo Masaajidka weyn ee degmadaasi.

Qaraxaas ayaa la sheegay inuu geystay khasaaraha dhimashada dad gaaraya 18 ruux oo laba ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, halka 14 ruux ee kale ay dhamaantood ahayeen dad shacab ah oo qaarkood ku dhex jiray Masaajidka gudahiisa, waxaana jira tiro intaasi ka badan oo dhaawacyo soo gaareen.

Maalinta Sabtiga waxaa degmada Buulaburte isugu yimaada oo usoo ganacsi taga dadka kala yimaada degmooyinka Jalalaqsi, Halgan iyo tuulooyinka deegaanadaasi hoostaga, waxaana xiliga qarax uu dhacaayay magaalada ka jiray saxmad dad weyne.

Dhinaca kale laba qarax oo Ismiidaamin ah oo ay u dhaxeyeen daqiiqado kooban oo ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ayaa lasoo warinaya inuu kordhay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday labadaasi qarax ilaa 8 ruux oo u badan arday uu qaraxa ku haleelay wadada.

Qaraxyada ka dhacay Jalalaqsi ayaa midka koowaad bartilmaameedkiisu ahaa Buundada degmadaasi oo afaafkeeda hore fariisimo ku leeyihiin ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, hayeeshee qaraxa labaad ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid aanan gaarin goobtii bartilmaameedka u aheyd, kadib markii rasaas ku fureen askar ka shakisay gaariga uuna ku qarxay goob dad u badan arday ay ku sugnayeen.

Bishi Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-ka ayay aheyd markii Shabaab qaraxyo Ismiidaamin ah oo sidaan oo kale isku waqti ka kala dhacay Labadaan degmo ee Buulaburte iyo Jalalaqsi ay ku dhinteen dad badan oo uu ka mid ahaa guddoomiyahii degmada Jalalaqsi Maxamuud Nuur Cagajoof Dabaashe.