4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2023
Ciidanka NISA oo soo bandhigay hub iyo waxyaabaha qarxa oo lagu qariyay guri ku yaala Muqdisho

Sabti, January, 14, 2023 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay hub, bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro iyo booshka lagu qaato qasnadaha qoryaha oo lagu qariyay guri yaala degmada Dharkeenleey.

Ciidamada ayaa soo bandhigay haweeney ku eedeysan hubka iyo waxyaabaha oo  gurigeeda lagu qariyay, waxaana saraakiil la hadashay warbaahinta qaranka ay sheegeen in haweeneydaan baaritaan lagu sameynayo, islamarkaana loo gudbin doono Maxkamad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor ugu baaqay shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho iney laamaha amaanka kala shaqeyaan Shabaabka garan waaga ah ee ku dhex dhuumanaya xaafadaha magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan NISA ay kusoo qabteen hubka iyo waxyaabaha qarxa ee lagu qariyay guriga ku yaala degmada Dharkeenleey ayaa kusoo beegmaya iyadoo maaalin ka hor guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh uu ku dhawaaqay in howlgalo baaris guri guri ah laga bilaabi doono gudaha magaalada Muqdisho.