4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2023
Dowladda federalka iyo Galmudug oo u dhaqaaqay xoraynta magaalooyinka Ceelbuur iyo Xarardheere
 

Sabti, January, 14, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab ka billaabay degmada Wisil ee gobolka Mudug, halkaas oo la qorshaynayo inay xuddun u noqoto  howlgallada xoraynta Xarardheere iyo Ceelbuur.

Kaddib markii dowladdu horey usoo xoraysay gobolka Shabeeladda dhexe iyo qeybo badan oo katirsan gobolka Hiiraan, waxaa la qorsheynayaa inay dowladda u dhaqaaqdo xoraynta gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Kooxda Alshabaab ayaa hadda gacanta ku haysa degmooyinka Ceelbuur iyo Xarardheere oo ah labo magaalo oo muhiim ah oo la aaminsan yahay inay xuddun u yihiin joogitaankooda gobolada dhexe.

Dowladda ayaa hubkii iyo ciidamadii ka qeyb gali lahaa dib u xoraynta deegaannadan waxay ka dajisay gobolka Mudug, waxaana hadda socda iskudaba-ridkii ugu dambeeyay ee qaadista howgalka iyo qiimaynta xaaladda dhulka.

Wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa sheegay in si saf ballaaran ah looga qeyb qaadan doono howlgalka xoraynta Galmduug. Wasiirku wuxuu sheegay in Galmudug iyo dowladda federalka Soomaaliya ay u diyaar garoobeen xoraynta dhulka Galmudug.

Sida aan wararkeenna ku sheegnay, Alshabaab ayaa bannaysay magaalada Xarardheere, halkaas oo u muuqata inay ciidamada huwanta ah gudaha u galidoonaan mar dhow. Hase ahaatee, warar aanu helayno waxay sheegaan in Shabaabku isku fidiyeen tuulooyinka hoos yimaada Xarardheere si ay halkaas uga galaan difaac.