4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2023
Ururka EAC oo ka dhawaaqay inay Soomaaliya ururkooda kusoo biiri karto dhamaadka 2023
 

Sabti, January, 14, 2023 (HOL) - Wadamada xubnaha ka ah Urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen qorshaha ay Soomaaliya kaga mid noqonayso Ururkan.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu ballaariyo dhaqaalaha gobolka iyo sidoo kale xoojinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

General Dr. Peter Mutuku Mathuki oo ah xoghayaha guud ee EAC, ayaa sheegay in marka la dhameeyo wada xaajoodyada, Soomaaliya la aqbali karo ka hor dhamaadka 2023-ka.

“Waxaan u direynaa Soomaaliya koox khubaro ah si ay u xaqiijiyaan dhammaadka bishan kuwaasoo warbixin ka soo saari doona.

Warbixinta waxaa lala wadaagi doonaa wasiirada iyo shirmadaxeedka si ay talooyin uga soo jeediyaan. Haddii loo arko inay ku habboon tahay in la oggolaado, markaas Soomaaliya waxay noqonaysaa waddankeenna 8-aad dhammaadka sannadkan,” ayuu yidhi Mathuki.

Sida uu sheegay Mathuki, soo gelitaanka Soomaaliya waxa ay gacan ka geysan doontaa kor u qaadida dhaqaalaha gobolka iyadoo la kordhinayo dakhliga sanadlaha ah ee hadda 10 bilyan oo doolar oo la saadaalinayo in uu noqdo $20 bilyan.

“Soomaaliya waxay la timid faa'iido dhaqaale oo buluug ah maadaama ay leedahay xeebta ugu weyn Afrika oo dhererkeedu yahay 3200km.

“Wax ka qabashada amni darrada Soomaaliya aad ayay u fududaan doontaa marka ay xubin ka noqoto EAC. Dhibaato kasta oo ay qabaan waxaa si wanaagsan loogu xalin doonaa qaabka EAC," ayuu yiri Mathukui.

Bishii November ee sannadkii hore, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la dhameystiro dhammaan nidaamka ku soo biiritaanka bulshada Bariga Afrika si ay Soomaaliya uga faa’ideysato fursadaha iyo ka qeyb qaadashada horumarinta dhaqaalaha gobolka Bariga Afrika.