4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay howgal lagu baarayo guryaha magaalada Muqdisho
 

Jimco, January, 13, 2023 (HOL) - Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaaaadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in degmooyinka gobolka Banaadir ay ka bilaaban doonaan howlgalo lagu baarayo guryaha oo lagu raadinaayo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ku dhex dhuumanaya magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in talaabadaani ay tahay mid lagu fulinaayo amarkii madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la adkeeyo amaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Shacabka gobolka Banaadir waa iney u diyaar garoobaan in guri walba la gali doono, si dhilqaha ku dhex jira ama Khawaarijta ku dhex dhuumaneysa ee isku dayeysa inay dadkaas ku dhex noolaadaan aysan noogu dhex nolaan mardambe" ayu yiri guddoomye ku xigeenka amniga gobolka Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Guddoomiye Yabooh ayaa ugu baaqay shacabka reer Muqdisho iney ciidamada amaanka la shaqeeyaan oo aysan dhib u arki howlgalada baaritaanka guri guriga ah ee dhawaan bilaaban doono.

"Ha u qaadina inay wax cusub tahay, waxaa rabna in isbedel la taaban karo la imaano dhanka amniga, anaga oo hay’adaheena amniga kaashaneyna, guriguri ayaa loo baari doona magaalada, dadkana qofkasta waxa uu yahay, meesha uu ka yimid iyo guriga uu ku nool yahay ayaa la ogaan doona" ayu yiri guddoomiye Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa imaanaya, iyadoo shalay banaanbaxii ugu balaarnaa oo looga soo horjeedo kooxda Al-shabaab uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.