4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2023
Wasiir Fiqi: Puntland gorgortankeeda waan soo dhoweynaynaa si xaaladda meesheeda loogusoo celiyo

Arbaco, January, 11, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay dowladda Soomaliya diyaar u tahay inay Puntland gorgortan kala gasho arrimaha ay ka tabanayso dastuurka dalka iyo federalka.

newwsinsideWasiir Fiqi oo maanta ka hadlayay shirka arrimaha garsoorka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wada hadalku noqdo albaab furan, si xaaladda meesheedii loogusoo celiyo.

Fiqi wuxuu Puntland ku ammaanay kaalinta ay kasoo qaadatay geeddi socodka dastuurka dalka iyo hirgalinta federalka, hase ahaatee, wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in federalku noqdo wax fowdo ah.

“Nidaamkii federalku waa la qaatay. Laakiin fowdo ma noqon karo. Waa inuu kuu fadhiyaa, dastuurka ku qoran tahay. Lama yaqaano federalka hadda. Waxaa un lagu soo heshiiyay dalku federal ha qaato,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Puntland ayaa maalmo kahor sheegtay inay dowladda federalka kala gorgortamayso arrimaha qaddiyaddaha masiiriga ah ee dowlad dhiska Soomaaliya.

Puntland waxay doonaysaa in laga wada hadlo meeqaamka caasimadda dalka, arrimaha Somaliland iyo kala saarida awoodaha heer federal iyo heer gobol.