4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2023
TPLF oo billowday inay hubka culus ku wareejiso dowladda Itoobiya


Arbaco, January, 11, 2023 (HOL) - Ciidamada TPLF ayaa si rasmi ah u billaabay inay hubkii cuslaa ee ay haysteen ku wareejiyaan Ciidamada Qaranka ee Itoobiya, sida ku qeexnayd heshiiskii nabadeed ee ay wada gaareen iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Sida laga soo xiganayo Warbaahinta gaarka u ah Ciidamada Qaranka Itoobiya, hub ka dhigista ayaa ka bilaabantay maalinimadii shalay ahayd meel Maqale u jirta 36km oo lagu magacaabo Xerada Agula, halkaas oo ay yaalleen inta badan hubkii cuslaa ee ay TPLF isticmaali jirtay.

Goobta lagula wareegayay hubka culus ee TPLF waxaa goobjoog ahaa kooxo kormeereyaal ah oo isugu jiray saraakiil sarsare oo labada dhinac ah iyo xubno ka socday Midowga Afrika.

Masuul u hadlay dhinaca dowladda Itoobiya ayaa sheegay in TPLF ay kala wareegeen hubkii cuslaa ee ay haysteen, oo isugu jira Taangiyo, Rockets, iyo Madaafiic iyo kuwa kale oo badan.

Dhinaca kale masuul kale oo u hadlayay TPLF ayaa sheegay in hubka ay wareejiyeen iyagoo tixgalinaya heshiiskii ay Koonfur Afrika iyo Kenya ku gaareen TPLF iyo dowladda Itoobiya.

Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaarada ayaa iyagu wali ku sugan gudaha gobolka Tigray, inkastoo Eritariya ay mar ka dhawaajisay inay Ciidamadeedu ka baxayaan Tigray marka ay TPLF hubka dhigto.

Walaw Eritariya ay wakhti hore sheegtay inay ciidamadeedu ka baxeen dhawr goobood oo Tigray ah, haddana goobjoogayaal ku sugan gudaha gobolka Tigray ayaa qiraya in Ciidamada Eritariya ay wali joogaan Tigray.

Arrinka hub ka dhigista TPLF oo ahaa qodobka u cuslaa heshiiska ay wada galeen TPLF iyo dowladda Itoobiya ayaa u muuqda mid hadda hirgalay, walaw markii hore madmadow la galiyay suurta galnimada arrinkaas.