4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2023
Dad shacaba oo laga afduubay gobolka Hiiraan oo laga yaabo inay colaad ka dhex abuurto Xawaadle iyo Gaaljecel
 

Talaado, January, 10, 2023 (HOL) - 15 qof oo shacab ah oo kasoo jeeda beesha Xawaadle oo laga afduubay gobolka Hiiraan ayaa laga yaabaa inay colaad ka dhex abuurto beelaha Xawaale iyo Gaaljecel.

Ku dhawaad labo todobaad kahor, rag katirsan Alshabaab oo u dhashay beesha Gaaljecel, ayaa dad shacab ah oo safar ah oo kasoo jeeda beesha Xawaadle, ka afduubtay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Xog rasmi ah oo aan helnay waxay sheegaysaa in dadkan lagu haysto deegaanka Buqda oo katirsan gobolka Hiiraan. Sababta loo afduubtay waxay tahay inay u dhasheen Xawaadle oo dagaal kula jira Alshabaab.

Sarkaal katirsan Alshabaab oo kasoo jeeda beesha Xawaale, oo aan magaciisa xaqiijin weli, ayaa maalmo kahor tagay deegaanka Buqda, si uu Alshabaab ugala hadlo sababta loo haysto dadka shacabka ee la afduubtay.

Khilaaf iyo muran ka dhashay arrintan ayaa sababtay inuu iska hor imaad dhexmaro sarkaalka Shabaab katirsan ee kasoo jeeda beesha Xawaadle iyo rag kaloo Shabaab katirsan oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel.

Alshabaab ayaa markii dambe dilay sarkaalka iyo todobo ciidankiisa kamid ah, waxaana dilkiisa uu hadda qar u saaran yahay in waji qabiil ay isku beddesho arrinta dadka la afduubtay ee u dhashay beesha Xawaadle ee lagu haysto deegaanka Buqda.

Xogta aan helayno waxay sheegaysaa in arintani ay khilaaf xooggani ka dhax taagan yahay Shabaab dhexdiisa, iyagoo gaartay saraakiisha ugu sarreysa Shabaab ee ku sugan magaalada Jilib.

Arrimahan oo idil ayaa kusoo aaday, iyadoo dagalamayaal katirsan Alshabaab oo kasoo gudbay dhulka deegaannada Gaaljecel ay dhawaan dhibaato ka geysteen deegaanno kuyaala bariga magaalada Baladweyne.