4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2023
Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida oo beeniyay iney jirto kala duwanaasho xisbiga dhaxdiisa ah
 

Talaado, January, 10, 2023 (HOL) - Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida iyo Xafiiska Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida iyo arrimo kale.

Haddaba Shirkan jaraa'id oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen Warbaahinta kala duwan ee degaanka ka howlgasha ayaa waxaa su'aalo kooban la waydiiyay Madaxa Xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida Maxamed Shaalle, iyadoo wax laga waydiiyay heshiiska ay dowladda Itoobiya la gashay TPLF, iyo waxa ka jira khilaaf lasheegay inuu ka dhex jiro gudaha xukuumadda degaanka Soomaalida.

Ugu horreyn Madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida Maxamed Shaalle ayaa sheegay in haba yaraatee wax isku dhac ama khilaaf uusan ka dhex jirin hoggaaminta degaanka Soomaalida, isagoo yiri " Wax khilaafaad ah oo dhexdeenna jira ma jiro, way dhici kartaa dadka naga fikir duwan inay na qaybiyaan, haddii doodaha lagu kala duwanaado ma aha in la kala qaybsan yahay, wax kala duwanaasho ah oo ka jirta gudaha xisbiga ma jirto".

Sidoo kale mar wax laga waydiiyay dhinaca TPLF iyo waxa ay ka qabaan heshiiska ay gaareen TPLF iyo dowladda Itoobiya waxa uu Masuulku ku jawaabay " Waan soo dhawaynaynaa heshiiskaa ay wada galeen Itoobiya iyo TPLF, in nabad la qaato waddanka guud ayay xal u tahay", ayuu yiri Maxamed Shaalle Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale isla Maxamed Shaalle mar wax laga waydiiyay waxa ay ka aaminsan yihiin ka xukuumad ahaan in lasiidaynayo Maxaabiis Soomaali ah oo ku xidhan dhinaca Federalka Itoobiya oo uu ku jiro Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar, waxa uu Masuulku sheegay in siidayntoodu ay ku xidhan tahay sharciga loo hayo, iyo waxa loo xidhay isagoo xusay in arrinta maxaabiistaas aragti ahaan ay ka midaysan yihiin waxay ka qabto dowladda dhexe ee Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigay Masuulku.

Shirkan jaraa'id ayaa kusoo hagaagaya xilli dadka degaanka ku dhaqan ay waxbadan iska waydiinayaan qodobo dhawr ah oo ku saabsan siyaasadda iyo xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, oo qaybo kamid ah lagu caddeeyay Shirkan jaraa'id.