4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 1 , 2023
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay xaalada ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool
 

Axad, January, 1, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta ka hadlay xaalada Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dhibaatooyin ka jireen.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, islamarkaana wax walba lagu dhameeyo wadahadal, isagoona baaqiisa ku bilaabay erayada gabay uu horay u tiriyay Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumad Amiin.

“Taariikhdu dadkey bartaa, dorraad waxa ay faleyn. Cidna maddiido, cidna maddoonto, oo runta ayee dacalka ku heysaa; dadow dadow” ayuu yiri guddoomiye Xaashi.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi inuu ka xun yahay dagaalka ka socda Laascaanood oo uu sheegay inuu sababayo dib u dhac iyo barakac dadweyne, isagoona tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliland ay ku qaldaneed in xabado ku furto dad shacab ah oo Bannaanbax sameenaya.

"Soomaaliyeey danta Dalka iyo dadka waxa ay ku jirtaa nabad ku wada noolaasho, meelkasta oo khilaafi ka jiro guud ahaan Soomaaliya waxa aan ugu baaqayaa in xalka uu ku jiro wada hadal iyo heshiis” ayuu yiri Guddoomiye Xaashi.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada laascaanood iney joojiyaan banaanbaxyada rabshadaha wata ee lidiga ku ah nabada

Laascaanood waxaa maalintii shanaad oo xariir ah ka socda banaanbaxyo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, kaasoo salka ku haayo dilkii magaaladaasi loogu geystay mid ka mid ah dhalinyarada magaalada caanka ka aheyd oo lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi oo loo yaqiinay Hadraawi, kaasoo xubina ka ahaa Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee Waddani.