4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 28, 2023
Puntland oo ku eedeeysay dowladda federalka inay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd xaaladda Laascaanood

Jimco, April, 28, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya in ay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd colaadda ka jirta magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay, Dowladdu in aysan u dhaqmin kaalintii laga rabay dowlad Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in iyadoo dhiig uu daadanayo ay Somaliland wada hadal la furto, una magacowdo ergay.

“Iyadoo uu dhiig da’ayo oo dadkii lalaynayo, hadalkeeda ugu horreeya waxay ahayd sidii dhiigga loo joojin lahaa oo nabadda u sugi lahayd. Inay gardarro garab og uga dhigto Somaliland, oo tiraahdo Somaliland ayaan wada hadal la furaynaa oo ergay u magacaabaynaa, waa arrin gef ah,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay SSC in aysan ka mid ahayn Somaliland, islamarkaana aan qasab iyo xoog lagu maamuli karin. Wuxuu sidoo kale sheegay   magacaabidda ergayga ay tahay waqti lumis aan waxba kusoo kordhindooni xaaladda.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inay taageersan yihiin mowqifka SSC, isagoo sheegay haddii ay socdaan colaaduhu in ay Puntland diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato wuxuu ugu yeeray difaaca qaddiyadda reer SSC ay ku taagan yihiin.