4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2023
Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan xulka qaranka Soomaaliya oo laga reebay tartanka U17
 

Khamiis, April, 27, 2023 (HOL) - Mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu wanaagsan Xulka Qaranka 17 jirada Soomaaliya ayaa la sheegay in laga reebay tartanka kubadda Cagta ee U17 oo berito ka bilaabandoona magaalada Algeris, ee dalka Algeria..

Ciyaar yahan kaan laga reebay 17 jirada qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdixaafid ayaa la marsiiyay baaritaanka MRIga oo lagu ogaanayo da’da qofka. Natiijadii ka soo baxday  ayaa lagu sheegay inuu Cabdixaafid ka weyn yahay 17 sano.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta rasmiga ah Facebook ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in nasiib daro ay tahay inuu dhacay ciyaaryahan Cabdixaafid.

"Waxaa maanta soo baxday natiijada MRI la marsiiyay cayaartoyda qaranka oo lagu ogaanayay in ay yihiin da’da saxda ah ee tartanka ka qeyb geli karta. Nasiib darro Soomaaliya waxaa naloo soo sheegay in uu dhacay cayaar yahayn Cabdixaafid Maxamed" ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay barta rasmiga Facebook ee Somali Football Federation.

Xiririka kubbadda cagta Soomaaliyeed ayaa dalbaday cadeymo dheeraad ah oo la xariira natiijada Cabdixaafid, maadaama baaritaanada qeybtii hore ee Addis Ababa iyo Muqdisho ay SCANADU sheegeen in Cabdixaafid uu gudbay kuna gudbay 5+ oo ahayd marxaladda ugu dambeysa inta aan la gaarin marxaladda 6 oo ah marxaladda dhicitaanka.

Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ayaa sidoo kale dalbaday Muqaalada scanka MRI ee lagu baaray ciyaar yahan Cabdixaafid.

Ciyaarhayan Cabdixaafid ayaa ka mid ahaa ciyaar yahanada 17 jirada ee sida weyn ugu dhex muuqday xulka qaranka 17 jirada Soomaaliya, waxaana talaabada looga reebay xulka qaranka ay noqoneysa mid dhabar jab ku ah xulka qaranka ee 17 jirada Soomaaliya.