4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 26, 2023
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daad gureeyay dalka Suudaan oo Maanta laga soo dajiyay Muqdisho

Arbaco, April, 26, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dajiyay qeyb ka mid ah muwaadiniintii ugu horeysay ee laga soo daad gureeyay dalka Suudaan.

Muwaadiniinta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Muwaadiniinta Maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa tiradoodu aheyd 18 ruux oo laga soo daad gureeyay xadka Koonfurta Suudaan,  gaar ahaan Magaalada Buluja.

Kusimaha xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in muwaadiniintan diyaarad qaas ah looga soo qaaday wadanka Koonfurta Suudaan.

Danjire Diinaari ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay wali ku howlantahay sidii dalka dib ugu soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen dagaalka ka socda dalka Suudaan, islamarkaana saacadaha soo socda dalka dib loogu soo celin doono muwaadiniin kale.

Talaabadaan Maanta dalka dib loogu soo celiyay qeybtii ugu horeysay ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa imaaneysa, iyadoo inta badan dalalka Caalamka ay dadkooda ka daad gureeyeen dalka Suudaan oo ay ka socdaan dagaalo qaraar.