4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 25, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Talaado, April, 25, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal aroornimadii hore ee saakay ka dhacay Tuulada Dacaarow oo ka mid tuulooyinka hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, kasoo dhexmaray ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Ururka al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Macawiisleeyda ay ku lahayeen Tuulada Dacaarow oo dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Weeraraka ayaa la sheegay inuu ahaa mid socday ku dhawaad 30 daqiiqo, kaasoo ay isku adeegsadeen labada dhinac hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay meelo ka baxsan halka uu dagaalka ka dhacay.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalka uu dhexmaray oo ku aadan khasaaraha kala gaaray.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga saaray inta badan deegaanada ku yaala Bariga gobolka Hiiraan, waxay weeraro oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa gaadmo ah ka geysanayeen goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya.