4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 24, 2023
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Burundi iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Muqdisho soo gaaray

Isniin, April, 24, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay dhigiisa arrimaha Dibadda dalka Burundi Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Wafdigaan uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Horumarinta iyo Iskaashiga ee dalka Burundi Albert Shingiro ayaa magaalada Muqdisho uga billaabatay booqasho rasmi ah oo qaadaneysa laba maalmood.

Labada Wasiir ee dalalka Soomaaliya iyo Burundi oo kulan hordhac ah wada qaatay ayaa ka wada hadlay iskaashiga xoojinta xiriirka labada dowladood, waxaana Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ka mahadceliyay doorka ciidamada Burundi ay ku leeyihiin howlgalka ATMIS ee Ciidamada Midowga Afrika.

"Waxaan maanta Caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo horumarinta Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Burundi mudane Albert Shingiro. Wafdiga Wasiirka arrimaha Dibadda Burundi ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay gaarsiin doonaan dhambaal ay uga wadaan Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye" ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Wafdiga Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Burundi oo uu ka mid yahay la taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka Ciidamada General Silas Ntigurirwa ayaa lagu wadaa iney la kulmaan saacadaha soo socda madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sida wararku sheegayaan ay la wadaagi doonan dhambaal ay ka sidaan madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye.