4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 24, 2023
Maamulka gobolka Banaadir oo fuliyay wajigii labaad howlgal ka dhan ah maandooriyaha

Isniin, April, 24, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa habeenkii labaad magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgallo lagula dagaalamayo kooxaha maandooriyaha.

Howlgalkan uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maddaale ayaa lagu tagay goobo caan ah oo lagu isticmaalo maandooriyaha, halkaas oo ay ciidamadu ku qabteen dhallinyaro badan oo rag iyo dumar isugu jira oo maandooriyaha ku isticmaalayay goobahaas.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyasaada gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa sheegay in meelaha ay howlgalka ka sameeyeen lagusoo qabtay ku dhawaad 50 kamid ah dareeska ciidanka militariga Soomaaliya iyo dhowr kamid ah qoryaha AK-47, kuwaas oo lagu wareejiyay taliyaha ciidanka booliiska Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu difaacay hannaanka ay u wadaan howlgallada, kaddib markii baraha bulshada lasoo galiyay muuqaal muujinayay guddoomiye Maddaale oo ul ku garaacaya dhallinyaro lagu qabtay maandooriye.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenka in maamulka gobolka Banaadir ay ka go'an tahay in magaalada Muqdisho laga nadiifiyo maandooriyaha iyo goobaha lagu isticmaalo, si dhallinyarada mustaqbalkooda loo badbaadiyo.