4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2023
Duqa Laascaanood oo ku baaqay in dagaal buuxa lagu qaado ciidamada Somaliland
 

Axad, April, 23, 2023 (HOL) - Maayarka magaalada Laascaanood ayaa ciidamada SSC ugu baaqay in ay muddo toddoba cisho ah kusoo afjaraan dagaalka ay Somaliland kula jiraan.

Maayar Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo la hadlayay qaybo kamid ah ciidamo beeleedka SSC ayaa ku baaqay in xabada la bilaabo, oo muddo kooban lagu soo gabagabeeyo dagaalka.

"Garaadadu ducay leeyihiin oo karaamo ayay leeyihiin, karaamadii way idin fareen, saanadii iyo imkaaniyaadkii ciidana way inoo dhiibeen, xabada aynu galno, oo aynu dhamaystirno, toddobada cisho ee soo socda waar aynu ku kala baxno meesha" ayuu yidhi maayar Cali.

Waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood uu saddex mid uun ku dhamaanayo in ciidamada Somaliland laga adkaado, iyo in kuwa SSC laga adkaado iyo in xukuumada Somaliland ay dib u fikirto oo ay ciidamadeeda ka saarto deegaanada SSC.

Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo hogaamanaya gulufka dagaal ee Somaliland ka dhan ka ah, ayaa iyaguna ku baaqay  dagaalka.

Labada dhinac ayaa diyaargarow ugu jira dagaal, waxaana la filaya in berri iyo maalmaha ka danbeeya uu dagaalku si toosa u qarxo.