4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 23, 2023
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay nabadoono Alshabaab ay ku dileen weerarkii Masagawaa

Axad, April, 23, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay saddex nabadoon oo kamid ah dadkii ku geeriyooday weerarkii kooxda Alshabaab ka geysatay degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo saaray war qoraal ah ayaa u tacsiyeeyay qoysaska ay ka geeriyoodeen nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman iyo Nabadoon Cabdullahi Geeljire, kuwaas oo ay Alshabaab ku dileen magaalada Masagawaa.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay dilka nabadoonadan, fal bahalnimo ah oo Alshabaab ay kula kaceen, isagoo sheegay inay dilkooda ka tarjumeyso cadaawadda Alshabaab u hayaan qof kastoo u istaaga sidii dalka looga xoreyn lahaa.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Masagawaa waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u xoreynta dalka loo hurayo dhiig iyo naf badan oo qaali ah, balse maanta ay dhowdahay guusha, maadaama uu sheegay in Alshabaab laga sifeeyey deegaanno badan oo dhowr iyo tobon sano ay haysteen.