4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 22, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo cafis u fidiyay in ka badan 100 Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiyo kuyaala Muqdisho

Sabti, April, 22, 2023 (HOL) - Ilaa 127 Maxaabiis ah oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaala Muqdisho ayaa Maanta lagu sii daayay cafis madaxweyne, waxaana la tilmaamay in maxaabiista ay ahayeen kuwa galay dambiyo fudud.

Maxaabiistaan ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aadan munaasabada Ciida awgeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa la tilmaamay inuu soo jeedin u sameeyay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya in cafis madaxweyne lagu sii daayo maxabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku xirnaa qaar ka mid ah xabsiyada kuyaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xabsi dhexe iyo Xabsiga MBC ee ku yaala Ex koontarool Afgooye.

Maxaabiistaan cafiska loo fidiyay Maanta ee la sii daayay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqday farxad, kuwaas oo si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo cafiska u fidiyay.

Sanad walba marka la gaaro xiligaan oo kale munaasabada Ciida Soon fureed waxaa cafis madaxweyne lagu sii daaya maxaabiista u xiran dambiyada fudud ee ku xiran xabsiyada magaalada Muqdisho.