4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 21, 2023
Madaxweyne Biixi: Suurtagal maaha xadkii Somaliland ayaa lagu badalaya hab qabali ah
 

Jimco, April, 21, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku baaqay in colaada Laascaanood wadahadal lagu dhameeyo, wuxuuna sheegay in aan xadka Somaliland la badali karin.

Biixi ayaa sheegay in xadka Somaliland uu lamid yahay xadadka kale ee Soomaalida iyo Afrika ee uu jeexay isticmaarkii, isla markaana anay suuragali doonin in xad cusub laga sameeyo Somaliland.

"Midina suuragal maaha 5 tii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyay ee Afrika la mid ah, xadkii Somaliland ayaa la badalayaa oo hab qabali ah loo badalayaa, oo ninka Kenya jooga, ka Itoobiya jooga iyo ka Kenya jooga iyo ka Somaliland ayaa afarta xadba baabiinaya" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Puntland ayuu madaxweynuhu sigaara ugu eedeeyay in ay wado colaada ka socota magaalada Laascaanood, wuxuuna sheegay in anay ka faa'iidi doonin.

Waxa uu sheegay in colaada Laascaanood ay Somaliland soo gaadhsiisay khasaare naf iyo maalba leh, isla markaana ay tahay kugu dhimay oo kaa dhimay, wuxuuna ku baaqay in colaada wadahadal lagu dhameeyo.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dadka reer Sool anay Somaliland dhibaataynin oo ay xoriyad ku noolaayeen, isla markaana ay jiraan dad sheega in Somaliland ay cabudhisay dadka reer Sool taasi oo aan run ahayn.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay salaada ciida oo uu shacabka kula tukaday magaalada Hargaysa.