4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 21, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay iney Ardaydii ugu horeysay kasoo saartay dalka Suudaan

Jimco, April, 21, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney u daad gureysay dalka Itoobiya tiro ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku xayirna dalka Suudaan oo ay ka socdaan dagaalo qaraar.

Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxmed Diinaari oo ah isku xiraha guddiga ay dowladdu u xil saartay u gurmashada ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka suudaan, anha ku simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa sheegay iney si rasmi ah u bilaabatay daad gureynta ardayada Soomaaliyeed ee ku xayirna dalka Suudaan.

Waxuu sheegay in ilaa hadda 50 ka mid ah ardaydan la geeyay xuduudda dalka Itoobiya, islamarkaana ay safaaradda Soomaaliya diyaarisay gaadiidkii ardayda kale ee ku xiyaran gudaha dalka Suudaan looga soo bixin lahaa halkaas.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in maalmaha soo socda ay arday kale u gudbin doonaan gudaha Itoobiya, iyada oo kadibna loo qaadi doono dalka Soomaaliya.

"Iyadoo laga jawaabayo baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan bilaawnay inaan dalka Suudaan kasoo daad gureyno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugna dalkaas oo aybu badan yihiin arday, Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa u istaagtay iney juhdi badan ku bixiso in ardayda ku xayiran Suudaan laga soo saaro halkaas" ayuu yiri Danjire Diinaari.

Talaabadaan ay qaaday dowladda Soomaaliya oo ay kusoo daad gureyneyso ardayda Soomaalida ah ee sugan caasimadda Khartuum ee dalka Sudan, ayaa imaaneysa iyadoo ardayda ay ka codsadeen dowladda Soomaaliya inay ka daad gurayso dalka Suudaan oo ay ka qarxeen dagaalo culus.