4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 21, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh "Qoysaska heli kara waxyaabaha ay carruurtu ku Ciidaan ama la cuno waxaan leeyahay deriskaaga fiiri"

Jimco, April, 21, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta oo Jimco ah si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho, magaalooyinka kale ee gobolada dalka Soomaaliya iyo guud ahaan dunida Islaamka maalinta koowaad ee munaaaabadda Ciida Soon Fureed.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan aduunka munaasabadda Ciidul Fidriga.

“Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan kuwa xaramka u tegay comrada ee cibaadeysanaya, kuwa guryahooda jooga ee dal iyo dibad meelkasta oo ay joogaan dhammaan inay Alle u baryaan Soomaaliya, inay Soomaaliya u soo duceeyaan Ilaaheey u baryaan in dalkan, dadkiisa iyo Diintiisaba uu Alle badbaado, cadowga ku soo duulay uu ka saaro, qoysaska heli kara waxyaabaha ay carruurtu ku ciidaan ama la cuno waxa aan leeyahay deriskaaga fiiri, dadka Soomaaliyeedna quluubtooda uu Alle isu soo jeediyo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isu gurmadaan oo ay caawiyaan Walaalaha aan waxba heysan, isagoona u rajeeyey in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.