4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 21, 2023
Saraakiil ku eedeysan Musuqmaasuq oo la horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir
 

Jimco, April, 21, 2023 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir shan sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya oo laga soo xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishaan ayaa loo heysta eedeymo la xariira musuq maasuq, wax is dabamarin iyo ku takrifal awood dowladeed, kuwaas oo uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha qaranka iney hordhac u yihiin Shabakad balaaran oo ku eedeysan musuq maasuq iyo lunsashada xoolaha dadweynaha.

Shanta sarkaal ayaa la tilmaamay iney ka kala tirsan yihiin Xafiisyada kala ah Xisaabiyaha Guud, Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Bangiga Dhexe, kuwaas oo dhamaantood ka howlgalyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in maxkamada gobolka Banaadir ay xabsiga u dirtay shantaan sarkaal ee ku eedeysan Musuqa si loo xaqiijiyo kiiska ay ku eedeysan yihiin.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sidoo kale xusay iney ka go'an tahay in sharciga la horgeeyo qof walba oo lagu soo qabto fal dambiyeed, isagoona uga digay dhamaan saraakiisha dowladda inay ku kacaan falal baalmarsan sharciga.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka:-