4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2023
Dowladda Sacuudiga oo shaacisay in jimcaha la ciidayo

Khamiis, April, 20, 2023 (HOL) - Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in Ciidul Fitriga ay bilaabaneyso Jimcaha berrito ah kadib markii ay xaqiijisay in khubaradeeda ay arkeen bisha Shawaal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Sacuudiga.

Ku dhawaaqistan ciidul Fidriga ayaa waxaa soo saartay Maxkamadda Sare ee Boqortooyada oo horey ugu baaqday in dadku ay u soo baxaan si ay isugu dayaan in ay arkaan bisha Shawaal.

Khubarada ayaa abbaaro 5-tii galabnimo ee fiidnimadii caawa isugu soo baxay goobaha kormeerka cirbixiyeenada ee Sudair iyo Tamir ee boqortooyada si ay u diyaariyaan telescopes iyo qalabka wax lagu arko ee dayaxa.

Dowladaha Imaaraatka iyo Masar ayaa sidoo kale iyaguna ku dhawaaqay in ay bilaabanayso Ciidul Fitriga laga bilaabo Jimcaha berrito ah .

Wasaaradda arrimaha Islaamka ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in 20,700 oo masaajid iyo goobaha lagu tukado bannaanka ee dalkaasi ay diyaar u yihiin salaadda Ciidul Fidriga.