4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta booqday Ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eratariya

Khamiis, April, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta booqday xerada Jenaraal Gordan oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 26-aad ee Ilaalo Qaran ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya.

Ciidamadaan oo ah dufcaddii labaad ee ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran ayaa la sheegay iney ku biirayaan howlgalada lagu doonayo in kooxda Al-shabaab dalka looga xureynaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiiri galin iyo guubaabo ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhameystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka looga xoreynayo Ururka A-shabaab, isagoona faray in ay ilaaliyaan hab dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonida iyo hiilada shacabka Soomaaliyeed.

"Maalmaha soo aadan ayay u ruuqaansanayan deegaanada laga xoreynayo Ururka Al-shabaab si ay garab u siiyaan Halyeeyada Guutada Gumac oo hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya firxadka Khawaarijta Shabaab" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Gabagabadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada oo uu ka dhageystay warbixino ku saabsan xaaladda ciidamada iyo qorshahooda ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.