4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2023
Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay iney soo xireen 5 sarkaal oo ku eedeysan Musuqmaasuq

Khamiis, April, 20, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney xireen 5 sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliiska ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo xarigooda la xariiro howlo sharci daro iyo musuqmaasuq ah.

Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay 5 Sarkaal oo ka mid ah Shabakad ballaaran oo Booliiska uga shakisan yahay in ay Musuq maasuq iyo wax isdabamarin wadeen lana soo taagi doono Maxkamad, islamarkaana loo gudbiyay xeer ilaalinta qaranka.

"Ciidanka Booliiska waxa uu gacanta ku dhigay Shan Sargaal oo kamid ah Shabakad ballaaran oo Booliisku uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin ka dhex wado Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag qabashada guud ee adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka. Shabakaddan ayaa sidoo kale ku eedeysan in ay been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsataya dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay Taliska Booliiska.

Gabagabdii warsaxafadeedka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in lagu dabajiro xubno kale oo ka tirsan Shabakaddan ku eedeysan musuqmaasuqa.