4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2023
Hay'adda Amnesty oo ku eedeysay ciidamada Somaliland inay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen magaalada Laascaanood

Khamiis, April, 20, 2023 (HOL) - In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 600 oo qofna waa ay ku dhaawacmeen dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee Sool.

Sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo natiijo kasoo saartay baaritaan ay ka sameysay colaadda Laascaanood, waxay ku eedeysay ciidamada ammaanka Somaliland inay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen magaalada Laascaanood, taasoo waxyeello u geystay isbitaallada, dugsiyada iyo masaajidada, halka sidoo kale dil iyo dhaawac loo geystay dad rayid ah, iyo barakaca tobanaan kun.

“Dhammaan dhinacyada isku haya Laascaanood waa inay joojiyaan weerarrada aan loo meel dayin, oo ay u guntadaan ilaalinta dadka rayidka ah, ayna ixtiraamaan xeerarka u degsan sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada. Isbitaalada iyo ambalaasyada waa in aan marnaba la bartilmaameedsan. Waa in uu jiraa baaritaan madax-banaan oo lagu sameeyo dhammaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo sharciga bini'aadantinimada si loo xaqiijiyo la xisaabtanka kuwa mas'uulka ka ah iyo magdhowga dhibanayaasha," ayuu yiri Tigere Chagutah, Agaasimaha Gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Kooxaha bini'aadantinimada ayaa sheegay in inta u dhaxaysa 154,000 ilaa 203,000 oo qof ay u barakaceen magaalooyinka iyo tuulooyinka deriska la ah Laascaanood, halka qaarkood ay u gudbeen xadka Itoobiya. Waxay hadda u baahan yihiin gargaar bini'aadantinimo oo degdeg ah.

“Dhammaan dhinacyadu waa in ay oggolaadaan oo ay fududeeyaan in hay’adaha samafalka ay si aan kala go’ lahayn ula kulmaan dadka rayidka ah ee gargaarka u baahan ee ku sugan Laascaanood iyo deegaannada kale ee ay dhibaatadu saameysey,” ayuu yiri Tigere Chagutah.

Laga soo bilaabo 6dii Febraayo ilaa 6dii Maarso, Amnesty International waxa ay wareysatay 37 qof oo ku sugan Laascaanood, oo ay ku jiraan dhibanayaal, qaraabada dhibanayaasha, markhaatiyaal, dhakhaatiir, iyo samafalayaal.