4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2023
Madaxda Hay'addaha Amaanka iyo Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray Xakameynta Hubka iyo Amniga Muqdisho

Talaado, April, 18, 2023 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa Maanta shir gudoomiyay kulan looga hadlaayay xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka Xakameynta hubka Caasimadda, kaasoo ka qabsoomay xarunta Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Kulankaan looga hadlaayay amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay masuuluyiinta kala ah gudoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha Booliiska, Agaasimaha NISA, gudoomiyaha Maxkamada ciidamadda iyo saraakiil kale, waxaana kulanka ugu horeyn waxaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha ciidamada Booliiska, Nabadsugida iyo Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa Ciidamada amaanka.

“Xeerka Xakameynta Hubka Caasimada, ayaa isna la falanqeeyay lana sharaxay sida loo fulinayo Guddoonka Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa si faahfahsan uga hadlay fulinta xeeran si Amniga iyo Xasiloonida loo xaqiijo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Madaxda hay'addaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa isku afgartay dardar galinta sugida amniga Muqdisho oo haatan si habsami leh uga socoto diyaar garowga munaasabada Ciidul Fidriga oo maalmo kooban ay ka harsan tahay.

Kulankaan Maanta Muqdisho ku dhexmaray madaxda hay'addaha amaanka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Muqdisho si rasmi ah looga dhaqan gelinayo amarkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka culus noocyadiisa kala duwan.

Madaxda hay’adaha amaanka Maxakamada Ciidamada iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa si faahfaahsan ula wadaagay shirka qaadashada hay’ad kasta qeybta ay ka leedahay hirgelinta Xeerkan iyo fulintiisa, kaasoo Golaha Wasiiradda Xukuumadu Fedaraalka Soomaaliya ay ansixiyeen 6-dii bishaan April ee sanadkaan 2023-ka.