4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 18, 2023
Dagaalka Laascaanood oo saamayn dhaqaale ku yeeshay suuqyada Somaliland

Talaado, April, 18, 2023 (HOL) - Saamaynta dhaqaale ee uu sababay dagaalka Laascaanood ayaa laga dareemaya Somaliland, xili loo diyaar garoobayo munaasibada ciida.

Qaar kamid ah ganacstada yar yar ee ka ganacsada dharka ee magaalada Burco, oo uu Bulsho TV makarafoonka la dhexqaaday, ayaa sheegay in uu jiro hoos u dhac dhaqaale.

"Sannadkan waxad mooda in bulshadii reer Laascaanood ay ka dhex maqayihiin dadkii noo iman jiray ee naga adeegan jiray" mid kamid ah ganacsatada dharka ayaa sida Bulsho TV u sheegay.

Suuqa magaalada Burco ayaa tabaya macaamiil badan oo hada ka hor uga iman jirtay magaalada Laascaanood, oo dadkii ku dhaqnaa ay deegaano kale qoxooti ku yihiin dagaalka awgii.

"Waxaanu dareemayna in macaamiil badan oo aanu wax ka iibin jirnay ay maqanyihiin, hadaanunahay ganacsatada waxwaliba nabada ayuu ku jiraa" mid kale ayaa sida Bulsho u sheegay.

Kadib markii uu dagaalku ka qarxay magaalada Laascaanood waxa qaxay badiba dadkii magaalada, waxaana istaagay ganacsigii taasi oo keentay in ay tabaan magaalooyinkii kale ee ganacsigu kala dhexeeyay.

Dhinaca kale, waxa istaagay safaradii ganacsi ee ka iman jiray Puntland iyo deegaanada kale ee Soomaaliya, kadib markii ay odayaasha SSC sheegeen in wax safar ganacsi ahi aanu dhulkooda mari karin.